Labadan boqor ee ka soo jeeda beesha dirta waqooyi oo la kala yidhaahdo Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow Iyo Boqor Raabi waxay daaha ka faydeen waxyaabo caabuq ah oo la dedayey, waxaanay ku mutaysteen xadhig iyo in xoriyadooda laga qaado, maadaama aysan jirin wax loo yaqaano (Freedom Of Speech) amaba inuu qofku cabiri karo fikirkiisa.
Hadaba hoos ka dheeho mid ka mid ah qoraayasha maamul goboleedka Somaliland oo si hufan u soo bandhigaya maqaal uu arrinkaasi ku eegayo, waana kan hoose ku qoran:
Faallo: Dib u Milicso Waxa Ka Rumoobay Dumar iyo Carruur Baa Madaxtooyada Somaliland Ka Taliyadii Buurmadow iyo Raabi Lagu Xidhay?
Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow iyo Boqor Raabi C/laahi ayaa bilowgii Xukuumadda Kulmiye Inshaaray in talada Dalku gacanta ugu jirto Dumar iyo Carruur, taasoo ay ku mutaysteen in Xabsiga labada Odayba ay xukuumaddu dhigto, iyadoo ka gubatay hadalo ay ku weerareen Nidaamka ay Xukuumaddu talada Dalka u wado.
Tilmaanta ay labada Boqor ka bixiyeen ayay dad badani aamineen kadib markii ay dhacdooyin is daba joog ah oo ka soo burqanaya Aqalka ugu sareeya Dalka dhawr jeer arkeen, kuwaasoo aan loo miidan dayin ama lagu deg degay ka talintooda.
Talaabooyinka is daba jooga ah ee dhacay inta ay Xukuumadda Siilaanyo talada haysay ee la odhan karo waxa ay fogaan arag ku arkeen Boqorada iyo dadka kale ee Ehlu caqliga ahi, waxa ka mid ah wadahadalada Somaliya ay la furtay Xukuumadda Somaliland, Xadhiga dad badan oo aan waxba galabsan, Musuq maasuqa loo xidh xidhay masuuliyiin kala duwan, Heshiiska Xagla toosiye, dhawrkii safar ee Madaxweyne Siilaanyo ku lu gooyay dad badan oo maamuus Dalka ku leh, Maxaabiista la iibsanayo, Golayaasha iyo Axsaabta Mucaaradka ah ee Macnawiyan loo baabi’iyay iyo kuwo kale oo badan.
Waxa kale oo ka mid ah Talooyinka ay Madaxtooyaddu ku talaabsanayso ee ay arkeen kooxaha aan kor ku soo sheegnay go’aamadda Is burinaya ee ay ka mid yihiin in Baarlamaanku xayiraadii Somaliweyn ka saarnayd Ooda uga qaado Xukuumadda hadana dabar aan meel uu gaadhsiisan yahay la garanayn ay warbaahinta ka maraiso, iyadoo dadka ugu badan ee Xamar Xildhibaanada u doontay lagu qaabilay Madaxtooyadda.
Wasiiradda iyo Madaxda sida is daba jooga ah loo eryayo ee aan hadana waxba ka bedelin Nidaam xumada Dalka ka jirta oo labadii sanadood ee u danbaysay sii kordhaysa iyo Garsoorkii Dalka oo faraha ka sii baxaya sida ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiiradiisu ku cel celinayaan maalin iyo Habeen baa ka mid ah waxyaabaha ka dhawaajiyay Il-dheer Garadka horaantiiba arkay Cawaaqib xumada ka soo food leh Xukuumadda.
Sidoo kale qabyaaladda iyo Busaaradda ayaa ah meelaha lagu hoobtay ee ay fiintu ka qaylyayso ee aan hadana maaro loo hayn sidii ay Xukuumaddu wax uga qaban lahayd, iyadoo ay Hay’addihii Qaranku noqdeen yaad garanaysaa iyo maxaa faa’iido ah ee aynu ka helaynaa Irmaantaa laguu dhiibayo xadhigeeda sida Wasaaradda warfaafinta oo ah hawlbowle Dhaqaale Boob la saldhigi la’.
Isku soo duuboo waxa dhaboobay hadalkii ay Madax dhaqameedka ay ka mid ka yihiin Buurmadow iyo Raabi hiirtii horeba sheegeen ee ah in talada inteeda badani u gacan gashay Dumar iyo Caruur, iyadoo ay odhaahdoodaasi xaqiijisay Sadex Wasiir iyo Agaasime Guud in ay xilalkoodii ku waayaan sadex Agaasime Waaxeed oo midi yahay mid shaqadiisa ka adkaa oo loo mar marsoonayayay laba sano sidii xilka looga qaadi lahaa, halka ay labada kale ka yihiin kuwo la dhashay Kacaankii Kulmiye oo u muuqda mid Kubka iyo Bowdada lagaga Jabay.
Qoraayadda Waaheen
Xigasho:Waaheen
Recent Comments