“Our task in history is to establish the truth”.
1991 waxay taariikhda Soomaaliyeed ka gashey baal madow. Waa markii shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hargeysa, Berbera iyo Burco ama maamul gobeleedka SL ay siyaasiyiintoodu u sheegeen madaxbanaani aan jirin.
Badi shacabkani waxay maanta is weydiinayaan aqoonsigii la waayey 20 sano ee ay Xamar ahayd bahalo galeenka, sida ay ku suuroobayso maanta oo ay Xamar degan tahay oo uu ka jiro amni la isku halayn karo oo suurto galiyay in Muqdisho ay ku kulmaan madax dhaqameedka Soomaaliyeed oo dhan.
Sidoo kale iyadoo lagu yagleeyay gole baarlamaan, dhawaana madaxweynihii lagu soo dooran doona intaas oo ay u dheer tahay nidaam dowli ah iyo kala danbeyn ka hirgashay Muqdisho iyo caalam oo taageero diyaar ula ah Soomaaliya.
Halka Hargeysa uu dul hoganayo musuq maasaq aan abid hore loo arag, cadaalad daro baahsan, qabyaalad geeso yeelatay, nin jeclaysi, xatooyo xoolo dadweyne/qaran iyo ku takrifal awoodeed iyo qaar kale oo badan.
Arimahan waxay sabab u noqdeen in dadku garowsadaan dhalanteedkii ay wakhtiga dheer weheshanayeen.
Inkasta oo maamulka Hargeysa uu mudo dheer shacabkan ula muuqday inay dowladnimadoodii ay dib ula soo noqdeen, waxaanse maanta caad ka saarnayn inuu u xuubsiibtay jaran jaro Xilal looga raadsanayo Xamar.
Wadooyinka, madaarka iyo hudheelada Muqdisho waxaa buux dhaafiyay siyaasiyiin, isimo, ganacsato, aqoon yahano iyo rag/dumar la soo wakiishay oo dhamaan ka soo jeeda Hargaysa, Berbera iyo Burco. Waa rag iyo dumar garowsaday in filimkii Hargeysa uu gabaabsi yahay ayna diyaar u yihiin inay walaaladood wax la qabsadaan.
Rag ehel u ah siyaasada Soomaaliya oo qiimayn ku sameeyay fursadaha dalka horyaal ee ay wakhtigan ka faa’idaysan karaan iyo caqabadaha ka hor imaan kara waxay saadaalinayaan in dhawaan iridaha loo laabi-doona makhaayadii Hargaysa maadaama lagu gaadhay hadafkii loo yagleelay, waa haddii ay siyaasada Xamar hayso tubta toosan ee loo jeexay.
La socda Qaybaha Dambe
www.aftaag.com
Recent Comments