
Telefishonka ABC ee laga leeyahay dalka Australia ayaa shaaciyey warbixin dheer oo uu ka diyaariyey mid kamid ah Mulkiilayaasha shirkada Sarancen ee tababarada siisa ciidamada Bada ee Puntland oo la sheegay inuu horey danbiyo dagaal oo ay ku jiraan Weeraro bambaano iyo Dilal Qorsheysan uga soo galay dalalka Koonfur Afrika iyo Papua New Guinea
Guddiga Qaramada Midoobay u saartay dalka Soomaaliya inay soo baaraan kooxaha Jabiya cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, ayaa ka codsaday Dowlada Australia inay tilaabo sharci ka qaado Mulkiila Shirkada Sarancen ee tababarada siisa ciidamada bada ee Puntland.
Kooxda Monitoring Group ayaa sheegay in Sarancen ay tahay shirkada kaliya ee sida tooska ah u jabisa cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Halkan ka daawo Barnaamijka ka baxay Telefishonka ABC
Telefishonka laga leeyahay dalka Australia ee ABC ayaa warbixin uu shaaciyey maanta ku soo qaatay Mulkiilaha shirkada Sarancen oo asal ahaan kasoo jeeda dalka koonfur Afrika balse dhawaan qaatay jinsiyada dalka Australia.
Lafras Luitingh iyo Xukuumadii Apartheid (Koonfur Afrika)
Mr. Lafras Luitingh ayaa la sheegay inuu horey uga mid ahaan jiray Ciidamadii Xukuumadii cunsuriga ahayd ee (Apartheid) ee dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana warbixinta Telefishonka lagu sheegay in uu Mr. Lafras Luitingh uu shaqsiyan kamid ahaa kooxihii shirqoolada dilalka la beegsan jiray siyaasiyiintii kamid ahaa dhaq dhaqaaqii xoriyad doonka dalkaasi Koonfur Afrika.
Mr.Luitingh ayaa kamid ahaa saraakiisha sare ee Ciidamada Kamaandooska xukuumadii Apartheidka oo lagu magacaabi jiray Civil Cooperation Bureau (CCB). Ciidamadan ayaa la sheegay inay ahaan jireen kuwii fulin jiray weeraro bambaano iyo dilalka qarsoon ee xukuumadii cadaanka ee Koonfur Afrika la beegsan jirtay dhaq dhaqaaqii xoriyad doonka.
Lafras Luitingh iyo Macdanta wadanka Papua New Guinea
Warbixinta Telefishinka ABC ayaan halkaas ku ekaan, waxayna sheegtay in kadib burburkii Xukuumadii cunsuriga ahayd ee Koonfur Afrika in Mr.Lafras Luitingh iyo koox saaxiibadiis ah ay sameyteen ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah.
Kooxdan ayaa la sheegay in ay sidoo kale ay illaalo u ahaan jireen Shirkada ugu weyn ee soo saarta Maarta ee dalkaasi Koonfur Afrika ku taal. Kadib wuxuu u wareegay dalka Papua New Guinea oo xiligaasi ka socday dagaalka MACDANTA.
Mr.Luitingh iyo Mucaaridka xukuumadii Papua New Guinea
Sanadkii 1997dii ayaa la sheegay in dowladii Papua New Guinea ay heshiis qarsoodi ah la gashay shirkada Mr.Luitingh si ay cagta u mariso oo ay laayaan ama dilaan hogaamiyaasha ama xubnaha kamid ah kooxo mucaarad ah oo dagaal looga soo horjeedo macdanta la dhacayo ka waday dalkaasi Papua New Guinea.
Fadeexada heshiiskaasi markii ay soo shaac baxday ayaa waxay sababtay inay dhacdo xukumadii markaasi ka talineysay dalkaasi Papua New Guinea.
Kadib fadeexadan ka dhacday dalka Papua New Guinea ayaa keentay in xukuumadii cusbeyd ee dalkaasi ay xabsiga dhigto Mr.Luitingh iyo kooxdii calooshood u shaqeystayaasha ahaa ee uu hogaaminayey, wuxuuna telefishonka ABC soo bandhigay filim laga soo duubay xiligaasi dalka Papua New Guinea.
Mr.Lafras Luitingh ayaa hada ah madaxa sare ee shirkada SARANCEN wuxuuna heystaa dhalasho dalka Australia ah waana ninka heshiiska la galay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo asagu qudhiisa heysta Baasaboor Australian ah.
Telefishonka ABC ayaa sidoo kale la yeeshay wareysi ninka hogaamiya kooxda Monitoring Groupka Mr.Matt Bryden oo asagu sheegay in horey digniin ay u direen shirkada Sarancen oo uu sheegay in ay ka dhistay gudaha Soomaaliya ciidankii ugu badnaa oo ugu hub culus marka laga yimaado ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
Matt Bryden ayaa asagu lagu eedeeyaa inuu xiriir dhaw la leeyahay maamulka Soomaaliland, waxaana sidoo kale Telefishonka ABC uu wareysi la yeeshay Alex Vines, madaxa barnaamijka Africa Program ee Chatham House.
Marka laga yimaado xubnahan wareysiga siiyey Telefishonka ABC, hadana warbixintan ku aadan Mr. Lafras Luitingh ayaa ah mid sii socotay, waxaana lagu soo bandhigay Guryaha Qaaliga ah ee uu ninkan ku leeyahay xeebta magaalada Sydney ee dalkaasi Australia.
Warbixintan telefishonka ABC ee ku aadan danbiyadii horey loogu soo eedeeyey Lafras Luitingh inuu kasoo geystay dalalka Koonfur Afrika iyo Papua New Guinea ayaa ah kuwo waaweyn oo khatar ku noqon kara xaalada deegaanada Puntland oo hada la sheegay in saraakiisha sida aadka ah u hubeysan ee Sarancen ay ka hawlgalaan.
Sarancen ayaa hubka ay la timid Puntland ay kamid yihiin Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan Helikobterka oo ayagu dhawaan duqeeyey degaano badan oo ka tirsan gobolka madluumka ah ee Bari.
Warbixinta Telefishonka ABC ee dalka Australia ayaa lagu sheegay inay hada socoto dadaal cunaqabteyn iyo xayiraad dhaqaalaha ah lala beegsan doono Mr. Lafras Luitingh oo asagu diiday inuu wareysi siiyo telefishonka ABC oo ku raadjoogay muddo dheer.
Heshiiskii dowlada Puntland la gashay shirkada Sarancen ayaa ah mid aan la horkeenin illaa iyo hada Baarlamaanka Puntland, saraakiisha Sarancen ee hada lagu eedeeyey inay hub xoogleh dalka Soomaaliya la yimaadeen, ayaan la aqoon cida ay ka amarqaataan iyo waxa uu qorayo heshiiska dhexmaray shirkadaasi iyo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Guddiga Monitoring Groupka ee Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay ciidamada BADA ee Puntland ku ah ciidamo aan maamulka hoos imaan oo ah ciidamo si gaar ah loo leeyahay oo ay wixii ay doonaan fulin kara, sida lagu shaaciyey warbixintan dheer ee Telefishonka ABC ka diyaariyey shirkada Sarancen iyo Mulkiilaheeda.
Halkan ka daawo Barnaamijka ka baxay Telefishonka ABCnews
Shirkada shisheeye ee hubeysan ee ku sugan gudaha deegaanada Puntland oo ayey ugu waaweynyihiin shirkadaha Sarancen iyo Pathfinders.

Yusuf Sharmarke
Melbourne Australia
Xigasho:allssc.com
Recent Comments