Soomaalida war isuguma seeganee, Faroole wuxuu dhawaan indhaha ka galay kuwo beesha Khaatumo ka soo jeedaa, wuxuuna ku canaantay Khaatumo idinka ayaa ii qabtaye mar horaan ka dhigi lahaa Haad geed waayey!!… Qolyuhu u hanjabayeyna laga waa mid yur iska yidhaahdaa, oo goroda ayeyba laalaadiyeen…
Hadaba maxaa ka keenay Faroole cadhada iyo madax dhul la dhaca?
Muxuu doorbiday Faroole inuu Khaatumo ka yeello?
Faroole iyo kooxyar oo gacanyarayaashiisa ahi waxay soo abaabuleen kulan in la la qaato isimada beesha Khaatumo ee xamar ku sugan, kulankaasina noqdo mid shacabka Khaatumo ay kaga xaal marinayaan wixii deelqaad, meel ka dhac iyo cadaawad ahaa ee ay Khaatumo la beegsadeen, xilliyadii ay is bidayeen inay leeyihiin awood siyaasadeed, mid dhaqaale iyo awood ay waxna ku diidi karaan waxna ku ogolaan karaan…
Ergadii ay dhankooda ka soo cumaamadeen waxay soo abaareen Isimadii dhaqanka ee maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia, waxaanay u sheegeen arrinkay u socdeen, hase ahaatee isimadii beesha Khaatumo waxay si kooban oo caqli iyo xikmadi ku fadhido u hor dhigeen sadexdan qodob:
Kooxdii dhinaca Faroole markan xaalkii waa ku cuslaaday, waxaanay isla soo taageen konton madax dhaqameed iyo konton dhankiina ah aynu ku kulansiino magaalada Taleex, halkaasi ha ku lafa gureen cadaawada labadan beelood ee walaalaha ah oo haatan sii kulaalaysa meel aysan abid gaadhin, hada garo kii xaalka halkaasi gaadhsiiyey marna abidkood yur may odhanin…
Isimadii beesha Khaatumo arrinkani may diidin balse waxay yidhaahdeen horta bal qodobadayada wax ka soo qabta, ka dibna isu keen keenaa. Arrintani waxay hadana ku noqotey fajiciso, waxaana u cadaatay in aan haatana la dagi karin beesha dhulbahante ee niyad wanaaga, tolnimo dhawrka, daacadnimada ku sifowday, laqdaba, beenta iyo is daba marintana aan abidkeed ku sifoobin, soomaalina marag u tahay.
Intaasi hadaan ka gudubno aan u soo leexano dulucda maqaalkeenan, Faroole oo isagu ku caanbaxay hadaan sidaasi noo loo yeellin waanu go’aynaa, hadaan taayada la raacin wax inoo kala dareeraya ma jidhayso, wuxuu haatan soo gaadhay magaalada madaxda Muqdisho, isagoo jeebka ku wata lix qof oo afarka mid ah ay isku jifo yihiin, wuxuuna u doonayaa inuu madaxweynaha dawlada Federaalka soomaaliyeed uu dhaho mid uun nooga dhig raisalwasaare.
Faroole wuxuu aaminsan yahay in ay raisalwasaaraha iska leeyihiin beeshiisa Majeerteen, reer aan iyaga ahaynin aysan geyinba, waana tan keentay xamartii uu in badan caayi jirey…..
Hadaba waxaynu odhan karnaa damaca Faroole ee qabyaaladaysani wuxuu safar dheer u soo geliyey sidii uu cadkaasi beeshiisa uu ugu qaadi lahaa, wuxuuna qabaa hadii ay waayaana inay goosan doonaan, isla markaasina ay la nooc noqonayaan qolada ay goosashadu madax martay….
Isku soo wada duubo maalmaha soo socda ayey kala cadaan doontaa hanjabaadii, caga juglayntii iyo awood sheegashadii odaygan damaca qabiil jiidhay, ee reerkiisa mooyee aan cid kalaba wax u rabin…
Suaashuna waxay tahay hadii ay helaan waa siday rabeen, hadiise ay waayaan raisalwasaaraha maxay yeellin doonaan, ilayn dawladanina maaha tii ku meel gaadh ka ahayd ee uu siduu doono uga dukaansan jireye?
Ismaaciil Ibraahim Ducaale Aftaag
UK
www.aftaag.com
Recent Comments