Tafaraaruqa Beesha Daarood iyo Xiliga Kala Guurka Soomaaliya

Midnimo la’aan iyo kala fogaansho dhinaca Siyaasadda, Awoodda iyo Midnimadda Beesha Daarood ayaa soo baxaysay wixii ka danbeeyey Dhismihii Dawladdii Imbigaati lagu dhisay ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuun Col.Cabdilaahi Yuusuf Axmed. waxana ay dawladdaasi sabab u noqtay in beelo badan oo ka tirsan Beesha Daarood lagaga sadbursado awood qaybsiga Dawladda qaarkood la yaso qaar kalena Mucaarad laga dhigo waxana ay dawladaas sabab u noqtay in dhul beesha Daarood lee dahaya ay Beelaha Dirta Waqooyi si xoog ah ku qabsadaa kuwaas oo ilaa manta ka talinaya mana jirto inna wax talo ah oo Daarood ka galay amase Hiil ah oo u muujiyey beesha Dhulbahante oo 7 sano la daalaadhacaysay  sidii ay Laascaanood u xoraysan lahaayeen

Afgabigii Cabdilaahi Yuusuf Axmed waxaa hormuud ka ahaa Siyaasiyiin Beesha Daarood ah oo ay ugu tunweynaayeen shaqaalihii Madaxtooyadiisa iyo Saraakiishii Ciidamadii kuwaas oo gacansaar siyaasadeed iyo Maaliyadeed la yeeshay kacdoonadii ka soo horjeeday waxana ay sabab u noqtay in Hub, Gaadiidkii iyo Ciidamadii uu Abdilaahi Yuusuf kala yimi Koonfur aan la isweydiin ilaa hadda meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyo meel ay ku astaysan yihiin ilaa hadda

Bilawgii dhismihii dawladii Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee Jabuuti waxa ay la kawsatay tafaraaruq beesha daarood iyo in Madaxweyne Shiikh shariif ay marba u soo dhaadhacaan qaybo beesha ah waxana soo baxay dagaal afka ah oo beesha dhexdeeda ah kuwaas oo saamayey warbaahinta Soomaalida iyo tan caalamkaba

Bilawga Tafaaruqa waxaa kaw ka ahaa ka dib markii Madaxweyne cabdiraxmaan faroole iyo Odayaal Puntland ah ay xidhiidh dhinac Telefoonka ah la sameeyeen Shikh Shariif kuna cadaadiyeen in uu Magacaabo Siyaasi ka soo jeeda Puntland gaar ahaan Beesha Degmadda Karkaar waxana ay sabab u noqday in R/wasaare Soomaaliyeed laga dhigo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo Muddo sanad ah Xilkaas hayey waxa uu qabtay Mudadaas waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha !

Magacaabistii Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa si toos ah ugu biyo diiday Beesha Puntland waxaa markii ugu horaysay ee Beesha Daarood ay dhaqankaas gasho ,waxana ay fajac iyo amakaag ku noqotay guud ahaa beesha Daarood sidoo kalena waxa ay Puntland bililiqaysi ku sheegtay Wasiiradii Dhulbahante iyo Leelkase, waxa ay Puntland geed dheer iyo mid gaabanba u gashay sidii ay Kursigaas R/wasaaraha dib loogu soo celin lahaa Siyaasi ka soo jeeda Puntland waxa ay arintan colaad iyo godob ku noqotay R/wasaaraha Gaas oo

Dhismaha Dawladda Rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Beesha Daarood

Xildhibaanadda Cusub

Soo xulitaanka Xildhibaanadda Beesha Daarood waxa ay ahaayeen Buuq iyo is qabqabsi xoogleh waxana jirtay beelo lagu qadiyey Imbitaaki oo xaqdoon ah kuwaas oo dacwad ka dhexday beesha dhexdeeda iyo xafiis-yadda beesha Caalamka ee Muqdisho, waxaa la dhacay lana boobay kuraasta Baarlamaanka Beesha Dhulbahante waxaana iska garabsaday  R/wasaare Gaas. Madaxweyne Faroole iyo Wakiilka Q,M Mr Mahiga waxa dhacdo godobteeda iyo gashigeedu uusan yaran hadii aan la iska dhaahin inta goori goortahay

Musharaxnimadii Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Xildhibaan Galaydh

Musharaxnimadii Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh ayaa guud ahaan beesha Daarood ay ka sastay waxana ay guntida u xidheen sidii dagaal ka dhan ah Gudoomiyenimadda Cali ugu hortagi lahaayeen marka laga reebo Beesha Khaatumo oo u arkaysay Nasri Eebe u soo rogay Gudoonka Cali iyo in manta danta Daarood ku jirto Gudoomiyaha Golaha Shacabka maadaa dalku uu galo xili rasmi ah

Doorashadii Madaxweynaha Cusub iyo Daarood

 Doorashadii Madaxweynaha Rasmiga ah ee Soomaaliya waxaa Musharaxiin ahaa in ka badan 10 musharax oo ka soo jeeda Beesha Daarood kuwaas oo ay ugu tunweynaayeen R/wasaarahe Gaas oo Xukuumadiisu ay sabab u ahay Doorashadda iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo Taageeradda shacabka aysan jirin cid kula loolami karta

Ka hor intii aan hoolka doorashadda la tagin waxa ay saadaashu ahayd in Musharixiintaa Daarood qaarkood ay tartanka danbe gali doonaan sidii Doorashooyinkii Jabuuti iyo Nairobi waxana waji gabax iyo ceeb ku noqotay Siyaasiyiinta Daarood ee hungurigu ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya

Maxaa sababay Guuldaradda?

v  Colaad iyo Godob Siyaasadeed oo soo kala dhexgashay Siyaasiyiinta Beesha Daarood Saddexdii Sano ee la soo dhaafay, taas oo ay qayb ka ahaayeen dhamaanba Masuuliyiintii xilalka ka hayey  Mudadii Shiikh Shariif Madaxweynaha ahaa iyo Garaad Cabdiraxmaan faroole

v  Isku taasul la’aan Musharixiinta Beesha Daarood taasi waxa ay midayn kari weydey codadka xildhibaanadda tusaale ahaan Musharixiinta Mareexaan waxa ay diideen in ay u taasulaan Maxamed Cabdilaahi Farmaajo sidaas si la mid ah Musharaxiinta Majeeteena waxa ay diideen in ay u taasulaan Gaas, waxana uu Gaas waayey codadka Xildhibaanadda Majeerteen gaar ahaan Cumar Maxamuud oo uu Kaligiis iska codeeyey

v   Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u goray in uusan soo bixin Siyaasi Daarood gaar ahaan waxa uu dagaal diblumaasiyadeed la galay R/wasaare Cabdiwali Gaas oo uu u arkay wadkiisii Siyaasadeed maadaa 1.1.2013 uu ku egyahay wakhtigii rasmiga ahaa ee Madaxweyne Faroole

Maxaa la gudboon Iminka Beesha Daarood

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa Caano daatay dabadood la qabay waxaa jirta Fursad dahabi ah oo loo baahan yahay in looga faa’iidaysto sida ugu wanaagsan maadaa ay jiraan duufaano siyaasadeed oo beesha ku soo wajahan suurto galna ah in ay Beesha ku ridaan god dheer oo ay adag tahay in ay ka soo baxdo

Waxaa fariin gaar ah u dirayaa  30 Madax-dhaqameed ee soo xulay Baarlamaanka iyo 61 xildhibaan eek u jira Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxana xasuusinayaa in aad awooda kaliya ee beesha ka bad-baadin karta marxaladda adage e ay ku jirto una jeexi kara Mustaqbal siyaasadeed oo nadiif ah Soomaali weyne ku hirado waxaana ay ila tahay in la wajaho qodoban hoose

ü  In Beesha Daarood ay isku taasusho isla markaasna iyada oo is qadarinaysa isna xushmaynaysa ay iska garowdo guul-darooyinkii dhacay in ay dhexdeeda ahayd wixii dhacayna xalay dhalay laga noqdo

ü  In la mideeyo 61 xildhibaan beesha Daarood kaga jira Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed isla markaasna ay yeeshaan talo midaysan oo ay ku wajahaan Awood qaybsiga Saamiga Beeshu ka hesho Soomaali iyaga oo Eegaya sida Fursadaha beeshu tahay iyo Jaanisyadda jira ee jifooyinka qaar lee yihiin

ü  Madax-dhaqameedyadda Beesha Daarood ee jooga Muqdisho waa in ay qaataan go’aan geesinimo leh isla markaasna ay isku celiyaan beesha kala yaacaysaa oo ay dhameeyaan wax yaabaha yar yar ee jira

ü  Waa in cidda ay isku raacaan Xildhibaanadda Daarood iyo Madax-dhaqameedyadu loo daayo xilka R/wasaaraha Soomaaliya laguna taageero

Fariinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaan doonayaa in aan dareensiiyo in uu qiimeeyo isla markaasna xushmadeeyo Karaamadda Beesha Daarood isla markaasna uu taladda R/wasaaraha uu qayb lixaadleh ka siiyo Isimadda iyo Hal-doorka beesha si taageeradda beesha oo Midaysan ay Dawladda Cusub u hesho

Madaxweyne anoo ogsoon in ay jiraan Culaysyo badan oo xiligan hadheeyey Xafiiskaaga kuwas oo ku wajahan cidda noqonaysa R/wasaaraha danan waa Muhiim qiimaynta Madax-dhaqmeedka Daarood ee qaybta lixaadleh ka qaatay samata bixinta dalka iyo Xildhibaanadda ku jira Golaha Shacabka

Gunaanad

Hadii ay xaajadu sidan ku sii socota waxaa dhici karta in Beesha Daarood guud ahanba ay weydo Awoodda Saddexaad ee Dawladda Soomaaliya ayna jiraan Beelo kale oo fursado la mid ah tan Daarood haysta si midnimo ahna ku doonaya masabkaasi kuma qorna Dastuurka Soomaaliya in Daarood lee yahay R/wasaaraha nidaamka foosha xun 4.5 qudhiisa Daarood-baa leh R/waasare ma qorayo

Waxaan ku soo gabo gabeeynaya Midnimo Daarood waa Midnimo Soomaaliyeed waxaana ugu baaqayaa wax garadka iyo dadka taladda Daarood ka go’do in aysan ka shaqayn wax dibin daabyeynaya Beel kale oo Soomaaliyeed isla markaasna aysan xaq beel kale qaadan oo wixii beesha ka maqan lagu doono si Nabad iyo wada hadal ah maadaaba Umadda Soomaaliyeed ay tahay hal Isir oo qudha

Cabdiqani Makhtal Maxamed

cabdiqanimakhtal@hotmail.com

Muqdisho Somalia

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>