Hadalka ka soo yeedhay ku xigeenka Wasiirka Kowaad isla markaasna ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Foosiya Yuusuf Xaaji Adan ee kor ku xusani waa mid la yaab leh. Waxase taas ka sii yaab badan nimanka intay aqoonyahankii Soomaaliyeed oo dhan baadhis ku sameeyeen ka xushay qof caddaysatay khaayin-nimo qaran. Qof xisbi siyaasi ah u furatay kala go’a Soomaaliya.
Qof dastuurka xisbigeeda siyaasadeed dhigayo in kala qaybinta dalku xalaal tahay. Qof aaminsan in gooni isutaagga “Somaliland” yahay “muqaddas”. Qof aaminsan in dalka ay ka mid tahay madaxdiisa sare yahay laba dal. Qof raalli ku ah inay madax sare ka noqoto dalka qaybtiisa ay “u dhaxday” isla markaasna qaybtii ay “u dhalatay” noqoto dal kale.
Haddii xulidda gabadhu ka ahayd odayaasha soo xulay aqoon yari markaas arrintu waa musiibo dhacday laakiin haddii Madaxweynaha iyo Wasiirka Kowaad arrintaas si ula kac u sameeyeen iyagoo og daacad-darrada gabadha, markaas taasi waa musiibo laban laaban.
Ka dib markay gabadhu VOA iyo BBC-da hadalkaas ka sheegtay waxa Madaxweynaha iyo Wasiirka Kowaad waajib ku ahaa inay u jeediyaan canaan culus kuna khasbaan inay hadalkaas ka noqoto haddii ay diidana golaha wasiirada ka saaraan. Mar haddii ay taasi dhici weyday waxa cad inay hadalkeeda raali ka yihiin. Waxa cad inay u gogol dhigayaan kala go’a Soomaaliya.
Halkaas waxa ku cad xil-kas la’aanta Madaxweynaha iyo Wasiirka Kowaad. Waxa kuu hadhay Barlamaanka. Waxa waajibka barlamaanku ahaa in aano ansixin golaha wasiirada iyadoo qof aan aaminsanayn midnimada dalku ka mid yahay. Waxay ahayd in Guddoomiyaha Barlamaanku arrintaas is-hortaago. Waxay ahayd in xildhibaanadu arrintaas is-hortaagaan. Kaaga darane gabadhan dhinacna “u dhaxday” dhinacna “u dhalatay” xitaa uma ay dhaaran xilkan loo magacaabay iyadoo dhaarta ka hor dalka ka dhooftay. Waxa dhici karta in dhaartaba laga illaawo markay Muqdisho ku soo noqoto oo sidaas ay u hayso xil aanay u dhaaran ka dibna waxay doonto fasho illeen waa siday rabtee.
Madaama madaxdii sare ee dawladda Soomaaliyeed sidaas noqdeen, sida keliya ee hadhay ee khaayin-nimadan qaran lagu sixi karaa waa iyadoo xubnaha barlamaanka ee ka soo jeeda Khaatumo iyo Maakhir iyo Awdal barlamaanka hor keenaan “motion” ah in maadaama Wasiirka Arrimaha Dibeddu aanay weli xilka loo magagaccabay u dhaaran kalsoonida lagala noqdo ka dibna barlamaanka ay hor timaaddo si wax looga weydiiyo hadalkii ay ka sheegtay VOA iyo BBC-da laguna amro inay ka noqoto. Haddii ay diido waa in markaas barlamaanku faraa Wasiirka Kowaad inuu soo magacaabo qofkii bedeli lahaa.
Wadahadalka dhexmari doona Xukuumadda dalka iyo maamul goboleedka “Somaliland” waa inuu ku salaysnaadaa ujeedadiisuna tahay midnimada dalka. Sidaas awgeed waa inaan marnaba Foosiya Yuusuf Xaaji Adan xubin ka noqon wafdiga matilaya dawladda dhexe waana in Wasiirka Arrimaha Guduhu noqdaa Guddoomiyaha guddiga maadaama wada xaajoodku ku saabsanyahay arrimaha gudaha ee Jammhuuriyadda Soomaaliya oo gobolada woqooyi galbeed ka mid yihiin. Waxa iyana lagama maarmaan ah in guddiga dawladdu u magacaabayso wada hadalka ay ku jiraan xubno ka tirsan xukuumadda iyo barlamaanka dhexe oo ka soo jeeda maamulda Khaatumo iyo Maakhir iyo Awdal maadaama arrintu khusayso goboladaas aaminsan midnimada dalka.
Haddii Madaxweynaha iyo Wasiirka Kowaad magacaabista gabadhu si khalad ah uga dhacday, Guddoomiyaha barlamaankana ay seegtay is-hortaagidda magacaabistaasi, waxay hadda saddexdaas mas’uul haystaan fursad ay ku saxaan khaladkaas ka dhacay. Hadday fursaddaasi seegto waxa dadka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin inay yiraahdaan ” kuwan waxa dhaamay oo ka wadani-sanaa oo ka karti badnaa kuwii la filayey inaan loo darsanayn: Sheekh Shariif iyo Cabdiweli Gaas iyo Shariif Sakiin.
Waxaynu sugnaaba waa waxay arrintan ka qabtaan nimankii tobanka malyuun ee Soomaaliyeed ka soo xulay tobankii qof ee ugu daacadsana uguna kartida badnaa………tobankaas oo ay ka mid tahay gabadha “labada dal” ee midna ay ”u dhalatay” midna ” u dhaxday” labadaba daacadda u ah.
Waxaa Qoray: Axmed Tabaatiig
e-mail: ahmedtabaatiig@yahoo.com
Recent Comments