Isreeb Reebka Somalida,Waa Ayyo Ciddaan Uga Baqaayaa???

Somalidu waxay muddo ku jirtey dagaal iyo guluf isreeb reeb. Dhulbahante ayaa u eg beel halis ugu jirta inay ka gudbi weydo isreeb reebka mudada ka dhex socdey ummadda degta dalka lagu magacaabo Somalia.  Waayo waxay ku jirtaa midnimo la’aan,isdaba mar is jallaafayn baahsan oo aan cidina ku wehelin,ama la qabin. Waxaa qayb ka mid ah Dhulbahante hadaf iyo himilo ka yeesheen wixii aan waayo biyaalo ka maasho,wixii aan helona Dhulbahante waa u hoog iyo halaag.

Shicibka dhulbahante sida la hubo dhibi ma dhex taallo,waxaase kala geeya kooxo aan si cad u sharrixi karayn wax ku kellifa inay dhib la damcaan dheeffna u diidaan Dhulbahante, kuwa dalka ku silicsan iyo kuwa dibedda ku diifaysan.

Xorriyadii 1960kii beelaha kale ee aan Dhulbahante ahayn waxay ku abuurtay feejignaan, is badbaadin,dan guud ilaalin iyo wax iska caabin joogto ah. Dhulbahante walow uu si ba’an ugu hoobtay difaacii dadka iyo diinta,soo dhicintii xorriyadda iyo karaamadii ummadda Somaliyed,haba yaraatee si guud,uma dheefsan midhihii xorriyaddii uu ku maal,naf iyo degaan beelay,wax shakshi si gaar ah u helay ma barbarin.

Digil iyo Mirifle isla jiidh,dhac,moora duug,abaar baahsan ka dib si xayyi ah bay uga soo kabteen,dhitiibana waxay ka kasbadeen midnimo iyo adkaysi sugan,xaqooduna meel cad oo aan muran ku jirin buu u saaranyahay,bal barbar dhig xaaladda Dhulbahante ku sugan yahay.  Beesha sida ka baxsan xuquuqal Insaanka loogu bixiyey beesha shanaad dhibtii aadka u ba’nayd ee la malkiyey,midnimo,adkaysi iyo dedaal bay run ahaan uga soo kabanayaan,guul baan jeer kasta u rajaynayaa,bal barbar dhig Dhulbahante mar kale. Beelaha kale dhamaan ma jirto cid sida Dhulbahante ay beel kale ku hasyo cabsi,qax,barakicin,xadhig,boob iyo colaad joogto.

Haddaan si degdeg ah Dhulbahante u midoobin,isugu hurin maal iyo naf,isu gurman,ruux kastana hadal iyo muran la’aan ku deeqin wixii uu ka awoodo,maal,aqoon,waqti,juhdi,duco,talo iyo tabantaabo,waxaa ii muuqata in Dhulbahante ku hadhi doono isreeb reebka ka dhex aloosan Somalida qarnigan.

Shalay min Lebida Gaatama ilaa Gambadhe baa waxaa dulmi iyo dhagar ku qabsday cadow soo jireen ah oo aan haba yaraatee xeerinayn Derisnimo,Somalinimo,Islaamnimo iyo Banii Aadamnimo midna. Maanta waxaa Xuddun lagu tijaabinaya bal in Dhulbahante midoobi karo,si wadjirta isu difaaci karo.

Hubaal haddaan Dhulbahante beenin hammiga SNM iyo ciddii kale ee qabta in la waayo degaan Dhulbahante leeyahay bal inuu ka taliyo ha joogtee,maalin la arko waxaa si sahlan loo qabsan doonaa degaannada weli aan gacanta SNM ku jirin Hawd iyo Nugaal.

Inta damiirka leh ee wuxuun ka fahamta Isreeb reebka hadba jeer dunida ka dhaca,waxaan ku boorinayaa inaysan dib u dhigan wax iska caabin,si jiritaanka jiilka dambe loo sugo.

Given the frequency and virulence of the Ethiopian raids, it was natural that the first pan-Somali or Greater Somalia effort against colonial occupation, and for unification of all areas populated by Somalis into one country, should have been directed at Ethiopians rather than at the Europeans; the effort was spearheaded by the Somali dervish resistance movement. The dervishes followed Mahammad Abdille Hasan of the puritanical Salihiyah tariqa (religious order or brotherhood). His ability as an orator and a poet (much-valued skills in Somali society) won him many disciples, especially among his own Dulbahante and Ogaden clans (both of the Daarood clan-family).

The British dismissed Hasan as a religious fanatic, calling him the “Mad Mullah.” They underestimated his following, however, because from 1899 to 1920, the dervishes conducted a war of resistance against the Ethiopians and British, a struggle that devastated the Somali Peninsula and resulted in the death of an estimated one-third of northern Somalia’s population and the near destruction of its economy.

One of the longest and bloodiest conflicts in the annals of sub-Saharan resistance to alien encroachment, the dervish uprising was not quelled until 1920 with the death of Hasan, who became a hero of Somali nationalism. Deploying a Royal Air Force squadron recently returned from action in combat in World War I, the British delivered the decisive blow with a devastating aerial bombardment of the dervish capital at Taleex in northern Somalia

The Dervish state (SomaliDawlada DaraawiishArabic: دولة الدراويش‎) was an early 20th centurySomali Sunni Islamic state that was established by Muhammad Abdullah Hassan, a religious leader who gathered Somali soldiers from across the Horn of Africa and united them into a loyal army known as the Dervishes. This Dervish army enabled Hassan to carve out a powerful state through conquest of lands claimed by the Somali Sultans, the Ethiopians and the European powers. TheDervish State acquired renown in the Islamic and Western worlds due to its resistance against the European empires of Britain and Italy.

The Dervish forces successfully repulsed the British Empire in four military expeditions, and forced it to retreat to the coastal region.[1] As a result of its fame in theMiddle East and Europe, the Dervish State was recognized as an ally by the Ottoman Empire and the German Empire.[2][3] It also succeeded at outliving the Scramble for Africa, and remained throughout World War I the only independent Muslim power on the continent.[4] After a quarter of a century of holding the British at bay, the Dervishes were finally defeated in 1920, when Britain usedaeroplanes to bomb the Dervish capital of Taleex.

 

M.H.Buraleh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>