Kulankii Mahiga Iyo Horjoogaha Maamul Goboleedka Somaliland Ee Soomaaliya Muxuu Nuxurkiisu Ahaa?

Sidaanu ku helayno warar xogogaal ahi waxay sheegayaan Augustine Mahiga oo ahaa ergayga qaramada midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, waxaa haatan u hadhay 45 maalmood oo keliya xilligii uu banayn lahaa xafiiskiisa, oo lagu wado in loo soo magacaabo ergay kale oo cusub.

Hadaba waxaa jirey dhambaal culus oo uu Mahiga u soo diray horjoogaha maamul goboleedka Somaliland wuxuu dhambaalkaasi ahaa mid loola kacay looguna tala galay in loogu quus dhameeyo Maamulka jabhada SNM oo isagu ismooday inuu yahay dawlad ka go’day soomaaliya inteeda kale.

Dhinaca kale dhambaalkaasi wuxuu ahaa mid uu Mahiga ku tusayey sawirka dhabta ah ee u yaalla xafiiska qaramada midoobay, oo aan isagu marna yiqiinsanayn wuxuu maamulka SNM isu haysto iyo inuu yahay wadan ka go’ay soomaaliya.

Markii ay warqadaasi ka soo baxday xafiiska ergayga qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya, waxay kaga qaylaansiisay maamulka jabhada SNM, waxaanay ka abaartay garka wadne, maadaama ay xambaarsanayd sawirka iyo macnaha dhabta ah ee loo yaqaano maamulkaasi inuu ka mid yahay maamulada soomaaliya.

Ka dibna horjoogaha maamulka goboleedka somaliland wuxuu aamusnaa muddo ku siman ilaa laba usbuuc, dabadeedna mar keliya ayuu sida fulkaanaha qarxay, af labadiis daan yeedhay, si uu uga gilgisho nabarkaasi badheedhka ah, dhabta ah ee uu Mahiga ku halgaaday, isagoo tusaya in aysan shaqaynayn goosashada madax martay.

Hada Mahiga maxaa keenay Hargeysa?

Saki kuma jiro sababta keentay Mahiga inuu kala qayb galo waxay ugu yeedheen doorashooyinka iyo weliba inuu kala hadlo warqadii xafiiskiisa ka soo baxday ee sida badheedhka ah loogu quus dhameeynayey, marna kamuu hadlin in uu ka noqday qoraalkii warqadaasi xambaarsanayd, balse si uu u dejiyo uguna madax buuxiyo wuxuu u sheegay in uusan xafiiskiisa ku sugnayn markii warqadaasi ka soo baxday.

Wuxuuna si taxadar leh u yidhi wuxuu ahaa khalad dhinaca farsamada ah, balse waxay ahayd mid si toos ah loogu cadeeyey inay mar walba soomaaliya ka mid yihiin, isla markaasina ay wax la qabi doonaan.

Aragti dheeraad ah

Waxaan odhan karnaa waxaa iminka iska soo dhamaaday xilligii uu maamul goboleedka Somaliland uu sii wadi lahaa sheeka xariirtii ahayd waanu goosanay iyo aqoonsigii baa dhaw, mudane Mahiga ayaana arrinkaasi soo afjaray maadaama uu xafiiska ka sii socdo.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in ay haatan ku sugan yihiin magaalada Hargeysa kooxo ka socda qaramada midoobay oo halkaasi u jooga sidii xafiisyadii qaramada midoobay ee halkaasi ka furnaa loogu soo wareejin lahaa caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

Arimahani oo isbiirsaday waxay haatan dhabarjab iyo fashil siyaasadeed ku rideen maamulka jabhada SNM, waxayna niyad jab isqoomamayn ku rideen shacabkooda ay muddada dheer beenta u sheegayeen.

Isku soo wada duuboo wuxuu yidhi ‘gooji amaba ha gooji walee geella waa lagugu darayaa’, haatan waxaa ka dhigan maamul goboleedka Somaliland oo ay ku soo xidhantay jidkii xagaafka ahaa, mugdiga ahaa ee ay mudada dheer hayeen….

La socda qaybaheena dambe……

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>