Sidee Loo Hormarin Karaa Maamulka Khaatumo State Of Somalia?

Maqaalkan waxaan ku cabirayaa sida loo hormarin karo amaba sare loogu qaadi karo hanaanka maamulka khaatumo state of somalia, marka aragti ahaan waxaan qabaa hadii la doonayo maamulka Khaatumo state of somali inuu noqdo mid buuxiya baahiyihii iyo duruufihii loo abuuray, run ahaantii waxaa haboon in lagu bineeyo tiirar iyo dhaabayaal ad adag.

Waxaan ogsoonahay inuu haatan maamulka khaatumo jirey sanad ku dhawaad, waxaa u qabsoomay waxyaabo badan oo la taaban karo iyadoo ay dhaliilo jiraan ,misana markii aan dhinacyo badan wax ka eegay, waxaa ii muuqday qodobadan oo ah kuwa muhiim ah, isla markaasina loo baahan yahay inay ku dhaqaaqaan dadka degaanada SSC.

Waana kuwan hoos ku qoran:

 

1) waa in la dhiso ciidan xoog badan oo hanta dhamaan degaanada khaatumo

2) in la dhamaystiro maamulka ilaa baarlamaan

3) in loo midoobo cadowga khaatumo gacmahana lays qabsado

4) in jaaliyadaha dibada ee khaatumo isku xidhmaan oo mar walba ay shirar joogto ah yeeshaan

5) in la ogaado in sharafta dadka degaanada ssc ay ku jirto maamulka khaatumo sidaa darteed maamulka hiil iyo hooba lala garab joogo.

6) in dhalinyarada si gaar ah isugu xidhmaan dal iyo dibadba maadaaba ay yihiin xoogii deegaanada

7) inaan cidkale la qancin oo lagu habsaamin ee aan danaheena u soo jeesano danta khaatumona wax walba laga horaysiiyo………..

Qodabadan ayaa ah kuwa ina anfaacaya hadaan nahay dadka degaanka ssc sidaa darteed waa inaan sharafteena ilaashanaa, wada tashanaa, gacmaaha is qabsanaa, maal,muruq iyo maskaxba midawnaa.

Hadalkayga waxaan kusoo gunaanadayaa (khaatumo aday kusugaysaa) qofkastoo u dhashay degaanka ssc xil ayaana ka saaran, sidaasi darteed waxaa la soo gaadhay xilligii la isu taagi lahaa, isla markaasina laga midha dhalin lahaa..

Waxaa diyaariyey:

Mohamoud abdirahman gelle(Ballidhiig)….

bilidhig@hotmail.comĀ 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>