WARQAD FURAN OO KU SOCOTA DOWLADA, SHACABKA , IYO ISIMADA PUNTLAND.
Marka hore waxaa mahad oo dhan u sugnaatay allahii suurageliyey in aan maqaalkan qorno. Sida la wada ogsonyahay waxaa jiray maqaalo badan oo iska soo daba dhacayey kuna wajahan dowlada puntland, shacabka iyo inta waxgaradka u saaxiibka ah, sidaas awgeed qoraalkan waa mid daba socdaa isla markana diirada saaraya fikradna ka dhiibanaya daruufta adag ee mandaqada Puntland ku sugan tahay maantay. Hadii eebe ogolaado waxaan dul istaagi donaa caqabadaha jira iyo sida looga bix karo talo ahaan. Sida muuqata puntland waxaa ka aloosan xiisado iyo mowjado siyaasadeed oo is diidan, sidaas awgeed waa lagama maarman in waxgaradku rag iyo dumar ka hadlaan, talo iyo tusaale ka bixiyaan inta arintu aanay faraha ka bixin, mana aha Wax la dhayalsan karo hadalada xanbaarsan dhiilada ee ka soo yeeraya shacabka qaybihiisa kala gedisan, siyaasiyiinta iyo dowlada puntland. Hadaba inta aynaan u gudbin dulucada maqaalka waxaan jecelnahay in aan si hordhaca mahad gaar ah ugu celino shacabka xalaasha ah ee Puntland ee runtii la dhihi karo waa shacab waayey hogaan wanaagsan oo u qalma laakiin buro u yeeshay sabur iyo dulqaad, waxaan leenahay ” saburaa sad hela” waad heli dootan insha-allah hogaan fiican ee iska sabra!
Soomalidu waxay ku maah-mahdaa “ood dhaxameed sida ay isu xigto ayaa loo kala qaadaa“, sida ku xusan magaca qoraalka aan u kala hormarino doorka looga baahan yahay Dowlada, shacabka iyo Isimada.
Dowlada ma la dhihi karaa waa gabtay doorkeedii maxase la gudboon maantay?
Jan 2009 markii ay caynaanta qabatay dowlada uu garwadeenta ka yahay Mudane Farole waxay runtii heshay fursad dahab ah ha ugu horayso sidii hufnayd iyo sharaftii loogu wareejiyey talada dalka. Waxay fursad u heshay ilo dhaqaale oo shaqaynaya sida deked, maxjar, airport, canshuuraha beriga, shacab isir iyo isku dan ah, dal midaysan (laga reebo Las-anod), ganacsi isku xiran ilaa Ethiopia, waqooyi, koonfur iyo Khatar weyn oo duulan ah sidii huwanta maxkamadaha iwm oo aan jirin. 4 sano waxaa su’aal mudan in dowlada la weydiiyo waxa dhaliyey muranka siyaasadeed ee ka aloosan maantay geyiga hadii shalay sharaf iyo doorashu loogu dhiibay? ” NIN MURAAYAD KU JIRAA DHAGAX MA TUURO”, hadii dowladu ilaalin wayso sharcigii iyo balantii eebe hortii ay ku dhaarteen yaa masuul ka ah mashkilada?. La iskama indha-tiri karo dib u dhaca ku habsaday puntland iyo duruufaha jira sida hoos u dhaca amniga, dhaqalaha, tafaraaruqa dadkii isir wadaga ahaa, iyo xarig jiidka siyaasadeed ee soo cusboonaday oo runtii la dhihi karo dowlada ayaa masuul ka ah! Yaa abuuraya amni xumada hadii dowladu xabad nool ugu jawaabto shacab afkaartooda mudaharaad ku muujinaya? Masuul yaa ka ah amni xumada hadii xoriyadii hadalka iyo saxafadii la xiro? masuul yaa ka ah amni xumada hadii dhagar-qabihii wax dilay, iyo burcadkii suuqa marayaan? Masuul yaa ka ah amni xumada hadii qabaailkii is dilaya la isku fiirsado? Yaa la waydiinayaa hoos u dhaca dhaqalaha hadii 50% iyo ka badan lagu kordhiyey canshuurtii? Mase la waydiiyey dowlada dhaqalaha shafka dhulka ku dhuftay iyo in shacabka waxa loogu qabtay? Shacabkii isir wadaaga ahaa maxaa kala firdhiyey? dabcan jawaabta dowlada ayaan u dayn iyo shacabka
MAXAA HARAY OO LA ISKU HAYSTAA?
Runtii wax la dafiri karo ma ahan waxqabadka dowladu gaar ahaan siyasada dibada hase yeshe maanka ku hay” guri aan asaas hoose lahan kor ma laga dedaa? balse ”la shukra cala waajib” tarikhda ayaa xusi doonta wixii wanaag iyo dhib ah ee ay ka tagto dawlada xiligan. Laakiin dowlada farole intii ay jirtay waxaa soo maray puntland mushkilado fara badan. Waxaa dilal qorshaysan lagu dilay ”MAGOOLKII PUNTLAND” wallow dowladu ku faanto amniga, nasiib daro waxaa la dilay wasiiro, culimo, xildhibano, ganacsaato, isimo, aqoonyahan rag iyo dumar leh, ku darso dhagar-qabayashii maxkamad lama soo taagin si loo mariyo abaalkoodii hase yeshee gacan ka xadaran baa dishey…xisaab eebe u dey!
Hadii eebe ogolado anaga oo taariikh uga dan leh intii dowladani majaraha haysay in yar aan ka soo qaadano kaydka diiwankanaga qaar ka mid ah dilalkii qorshaysnaa ee lagu beegsaday magoolka mandaqada putland magaca, xiliga la dilay iyo waqabadka ay mushtamaca u hayeen SIDAN SOO SOCOTA:
1–Suldaan ciisa hasan cumar la dilay nov 21 2010 bosaso
2-Nabadoon c/risaq maxamud guhaad la dilay 23 2008 galkacayo
3–Nabadoon cadbi kacaan la dilay feb 2009 galkacayo
4-Nabadoon ruur xirsi Osman (walwaal)la dilay march 30 2011 galkacayo
5- Nabadoon salah abdi salaam ahmed la dilay apr 2011 masjidu raxma Bosaso
6 -Nabadoon sacid hasan cumar (kashawiito) la dilay april bosaso masjidka alrashiid
7-Nabadoon Ahmed Salad CAynab : nabadoonadii Gobolka bari, la dilay march 28 2011, bosaso
-8-Nabdoon Husen ALi dude: gudoomiyihii nabdagelyada gobola mudug, la dilay bishii March 2011 Galkacayo
9-Wasiirkii warsame abdi shirwac (seefta banaanka) la dilay Augusto 5 2009 galkacayo
10-Gudoomiyihii karkaar: Yaasiin siciid husen la dilay Apr 27 2009 dhudhub, karkaar
11-Gudoomiyihi maxkamada darajada 1AAD: sheikh Mohamed Abdi Aware, la dilay nov 11 2009 bosaso
12- -Gudomiye racfanka gobola mudug: sheikh husen Mohamed khaliif, la dilay feb 8 2011 galkacayo.
14- Xeer-ilaaliyihii gobolka mudug: abdulqadir jamac nugal (caato) la dilay jan 25 galkacayo.
15=Xeer ilaaliye mahamud awmuuse geele (timajilic) xeer ilaaliyhii gobolka mudud la dilay bishii jun 27 2011 Galkacayo
16- Xeer I laaliya Ali Jamac Qalas waxaa la dilay bishii june 12 2012 Bosaso
17- Xeer I laaliye ahaana taliya ku xigeen akdeemiyada Carmo; col Abdulahi salax shirwac..waxaa la dilay bishii nov 30 2010 Bosaso
18- Ibrahim cilmi warsame (gaab) la dilay bishii novembar 2009 Garowe, xildhibaan/qareen u dooda xuquuqda adanaha iyo gudiga golayasha puntland.
19-Xildhibaan mahamud abdi jibriil (daqare) xildhibaan barlamank puntland, la dilay bishii jan 19, 2010, Bosaso
20-Xildhibaan abdulahi ali karad la dilay bishii Jan 5, 2010 Bosaso
21-Xildhibaan Ibrahim Elmila dilay Nov 12, 2009 bosaso
22-G/sare Yasin Ahmed Sanwayne taliyihii ciidanka sirdoonka, la dilay bishii Apr 2009 galkcayo
23-G/sare warsame Yusuf ahmed (yey) taliyihii dembi barista (CID) la dilay dec 1 2010
24-G/sare Husen Ali Farah taliyihii saldhiga baalade, la dilay dec 10 2010 boaso.
25-taliye G/sare Ahmed Hassan Haji (dhoonge) taliyihii saldhiga biya kulule, la dilay septembar 5, 2010 Bosaso
26-G/sare ahmed Jamaac salah sarkaal puntland police, la dilay bish dec 2, 2010 Garowe
27-G/sare mukhtaar sheikh ALi la dilay bishii April 22, 2011 lagu dilay Garowe
28–G/sare Mahamed Muse Ilkadheere: taliyihii ciianka darawiishta gobolka cayn and mudug
29-mohamed yasin ilka case: agaasimihii guud ee PDRC waxaa la dilay bishii abril 2011 garowe
30- Sheikh ismail haji husen: agaasimihii diinta iyo awqaafta, la dilay bishii Apr 16 2011 galkacayo
31- Gudoomiya abdulahi Mahdi Hassan (sayidka):gudomiyihii ururka ardaydasoomaliyeed, la dilay Jan 31 2010 Bosaso
32- Taliye Osman Abdidahir Mahamud (coor-coor): sarakiisha gobolka Mudug la dilay Bishii Dec 12 2009
33-. Ganacsade Hassan ahmed ali, lagu dilay Galkacayo
34-Ganacsade Mohamed cumar Guray: la dilay bishii April 27 2011 Galkacayo
35- Ganacsade A/salan Warsame Awmahamud: la dilay bishii may 14 2011 Bosaso
36-Ganacsade Abdinuur Salah Dhiidhix: la dilay Bishii May 16 2011 lagu dilay Bosaso
37-Ganacsade ali jamac biixi (janogale) july 9 2009 galkacayo
38-Ganacsade Cumar Awmuse Mahamed: ganacsade ahaana masuuliyiinta shirkada Red sea, la dilay bishii june 20, 2011
39-Ganacsade/gudomiyihii hore ufayn: shire sicid Osman (walbaq) la dilay May 14 2011
40–Ganacsade mahamud sheikh Osman la dilay oct 8 2009 galkacayo
41–Dr sheikh Ahmed Haji A/rahman: Asasayaashii PSU, macalin, ahaana prof wax ka dhiga jamacada psu lagu dilay bosaso Dec 5 2011
42-_Oday warsame Yusuf Islaan (cirfe(: odayshii dhaqanka Mudug, la dilay Jan 3 2011 Galkacayo
43-.Agaasime sheikh ismail haji husen la dilay 16 apr 2011 galkacayo
44–taliyihii sool ina ilka dheere
Hadaba su’aasha isweydiinta leh waxa weeye dowlada Puntland cadaalad ma horkeentay dhagar-qabyaashii falal dembiyeedkan gaystay? Shacabka puntland ma mudan yihiin xil kororsi xeeladaysan hadii dadkii indhaha u ahaa birta laga aslay dowladuna jawaab u hayn ? Talo iyo tusale dowlada puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay xushmayso rabitaanka shacabka, la tashato, wax meel la dhigto. Xiligii xooga iyo aniga iri ma soconayso ogoaada soomali waxaa indhahaas u yeelay waa “kaligay aan hadlo” maantay socon mayso , shabaq yaan madaxa la suran “give a fool rope and he will hang him self”, Puntland dalkeeda iyo dadkeedu dhib uma baahna shacabkana ha ka abaal dhicina, ha isku dayina xoog iyo maroorsi waayo idiin socon mayso ceeb iyo fadexad baad kala kulmaysaan bulashana waad dhuminaysaan!
DOORKA SHACABKA PUNTLAND:
Waa dulqaadateen ha ka daalin ilaaliya nabada, sharciga iyo xasiloonida dalka. Waa in aad la shaqaysan dowlada, dembiilaha aan gabaad la siin waxkasta laga hormariyaa wada hadal iyo tanaasul waayo in wax la bur-buriya waqti yar ayey qaadataa balse in wax la dhisaa waqti dheer bay u baahantahay. Dowlada waa in ay codkiina maqashaa danaha dalka laga hormariyaa tan shaqsiga iyo qabiilka. Sharciga aad dhigateen yaan lagu xadgudbin idinka oo u maraya wadada saxda ah. Siyaasiyinta madama ay shacabka ka mid yihiin waxaa waajib ku ah in ay ka fejignaadan fidno, xaalad abuur, kicin bulsho, iyo wax kasta oo abuuri kara isku dhac.!
Isimada Puntlanad iyo doorka kaga aadan xaladan qalafsan:
Isimadu waa bud-dhigayashii Puntland sida dastuurka ku qorana waa hayada dalka u saraysa. “war la qabo xiso ma leh” waayo aragnimo ayaad u leedihiin xil kororsi iyo dhibka uu wadanka geliyey 2001, alle ina-kuma keeno tii oo kale waa in laga feejignaadaa. Nasiib daro ilaa iyo hada doorkiinu ma firfircoona qaylo-dhaan badana dhegtiina way ku dhacaysay oo gudo iyo dibedba ah, marka waa xiligii aad talo keeni lahaydeen dadkana wax kala oran lahaydeen, dalka iyo dadkana majaraha u qaban lahaydeen. Waa idinku waajib dastuuri inta ka horaysa Jan 8 2013 in aad meel wadanka iyo dadka afka u saartaan! Sidaas awgeed waa lagama maar-maan in aad dowlada, mucaradka, bulshada qaybaheeda kala gedisan aad isu keentaan si looga gubdo marxaldan qodxaha badan, ugu dambayntii waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo gobanimo.
ALLA WAYN NINKII AAMINA AWOOD LEH.
Sainab mahamud and Fowsia Elmi.
puntland intellectual forum.
Recent Comments