Dagaal aan la ogayn qasaaraha uu geystey ayaa caawa ka dhacay halka lagu magcaabo Lafweyn oo ku dhowaad 60Km. waqooyi kaga beegan magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Dagaalkan ayaa warar aan ka helayno degmada Xuddun oo 20Km u jirta halka dagaalku ka dhaya ay sheegayan in ciidamada maamulka Khaatumo ay gaade ku galeen meel fadhiisin u ah ciidamo Somaliland ka soo jeeda.
Axmed Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadka ku sugnaa tuuladda Lafweyn ayaa sheegay in dagaalku bilaabmay xil uu qiyaas ahaan ku sheegay sagaalkii fiidnimo kuna soo dhowaadey tobankii, waxa kaluu sheegay inaanay waxba ka ogaan karin wax khasaare ah oo soo gaadhey labada dhinac, waxse uu tibaaxay in khalkhal baaxad leh uu ku yimi ciidanka Somaliland oo mudo danbe rasaas la dhacayey buurta iyo banaankaba taaso cadaynaysa sida uu sheegay inaanay fahmin waxa helay.
Axmed waxa uu intaas ku daray in dadka tuuladda ku nool uu ku dhacay argagax waxaana uu taas ku sababeeyey rasaasta la adeegsanayo oo soo gaadhaysey tuulada oo aan waxba ka dururgsanayn halka ay degaanka ka samaysteen ciidamadda Somaliland oogabaad ka dhigtay.
Ma jirto labada dhinacba wax hadal ah oo ay ka soo saareen dagaalkan oo lagu macneeyey mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay bilaabeen ciidanka maamulka Khaatumo.
Degmada Xuddun ayaa laga soo bilaabo 28 bishii 11aad ee aan soo dhaafnay noqotay meel u dhexaysa rasaasta labada dhinaca kadib markii Somaliland ciidamo tiro badan halkaasi heysey, taas oo keentay in dad badani ay kala cararaan dadkoodii si ay uga nabad geliyaan dagaal khasaare sababa iyo filashada xili kasta oo uu bilaaban karo.
Recent Comments