Maamulka Garoonka Muqdisho Oo Ka Warbixiyey Sida Ay U Socdaan Hawlaha Garoonka

Maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey horumarada uu ku talaabsaday garoonka  Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle International Air Port, maareeyaha garoonka Muqdisho mudane Cali Maxamuud Ibraahim ayaa warfidiyeenka uga waramay guukihii wax ku oolka ahaa ee uu gaaray garoonka Muqdisho wuxuuna sheegay in sanadkii 2012 uu garoonka u ahaa xiligii ugu wanaagsanaa ee uu soo maro garoonku 20-kii sano ee burburka.

Maareeyaha garoonka Muqdisho ahne madaxa waaxda duulista iyo saadaasha hawada ee xakuumada Soomaaliya ayaa sheegay in garoonku uu xiligan yahay meel si aad ah u mashquulsan,wuxuuna intaa ku daray in garoonka laga dareemayo saxmad aad u fara badan kadib markii uu dalka ka dhacay isbedelka dhanka amaanka ah, isagoona sheegay in garoonka adeegyadiisu aysan dhameystirneen balse uu ay ka wadaan garoonka kobcin iyo dib u dhis buuxa.

Maareeyaha oo kawaramayey duulimaadyada garoonka ayaa sheegay in maalin walba ay garoonka Soogaaraan diyaarado badn kuwaas oo ka kala yimaada wadamada caalamka iyo gobolada dalka Soomaalia, wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay shirkada Turkish Airways oo markii ugu horeysay ka bilowda magaalada Muqdisho duulimaadyo caalamai ah.

maareeyaha ayaa sheegay in saddex jeer ay todobaad walba ay duulimaad ka sameyso dalka shirkada Turkish Airways,isagoo intaa raaciyey in Turkish Air ay sahashay safaradii wareega ay dheer ay Soomaalida yurub kusoo gaari jireen Muqdisho wuxuuna sheegay in Soomaalida ka imaanaya dalaka Yurub ay si toos ah uga Soo dagayaan gagida diyaaradaha Muqdisho.

Garoonka Muqdisho oo dib loo furay sanadkii 2006 ayaa waxa xiligan ka muuqanaya mashquul fara badan waxaana maalin walba kasoo daga qurbajoog Soomaaliyeed kuwaas oo sanado badan kadib kusoo gurya noqonaya wadankooda.

 

RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>