Tarsan oo taageero u dalbay dib u dhiska tiyaatarka

Golaha Murtida iyo Madaddaallada qaranka ee Muqdisho

Ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho iyo Soomaalida ku nool qurbaha ayaa laga codsaday inay ka qeyb-qaataan dib u dhiska tiyaatarka qaranka.

Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay inuu tiyaatarku ka mid yahay xarumaha muhiimka ah ee dadweynaha ee sida ba’an ugu waxyeelloobay dagaalladii 20-kii sano ee la soo dhaafay ka dhacay dalka.

Wuxuu sheegay in looga baahan yahay bulshada qeybaheeda kala duwan inay ka qeyb-qaataan dib u dhiska xarumaha muhiimka ah ee dalka.

Golaha Murtida iyo Madaddaallada qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa dib loo furay bishii March ee sanadkii la soo dhaafay kaddib 21 sano oo uu xirnaa.

Hase yeeshee, bil kaddib markii la furay waxaa ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo lagu dilay toddobo qof oo ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsa nbahda isboortiga Soomaaliya halka dad kale oo badan ay ku dhaawacmeen.

Weerarka ayaa sidoo kale wuxuu waxyeello ba’an gaarsiiyay dhismaha tiyaatarka.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo soo jiitay cambaareeyn isugu jirta mid gudaha ah iyo mid caalami intaba.

Xarunta cilmi-baarista iyo wada-hadalka (CRD) ayaa bishii August ee sanadkii la soo dhaafay ayadoo kaashaneysa dowladdii ku-meel-gaarka ahayd waxay dayactir ku sameeyeen tiyaatarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>