Waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada DUBAI ee isutaga imaaraadka carabta wasiirka arimaha gudaha ee dawlad goboleedka Khaatumo State of Somalia Mudane Yaasiin Axmed Sulub, wasiirka ayaa halkaa waxaa kusugayay dadwayne badan oo kaqaybqaadanayay soo dhawaynta wasiirka. Wasiirka oo safarkan kagayimi Soomaaliya ayaa kulamo layeelan doona jaaliyada khaatumo state ee ku dhaqan wadanka imaaraatka iyadoo lafilayo inuu kalaqaybgalo xuska sanadguuradii koowaad ee aasaaskii maamul goboleedka khaatumo state of Somalia oo qabanqaabadeeda ay kuhawlanyihiin jaaliyada imaaraadku.
Wasiirka ayaa aad ugu mahadceliyay dadwaynihii kusoo dhaweeyay DUBAI INTERNATIONAL AIRPORT, iyadoo dabadeedna loosii gudbiyay dhinaca magaalada. video
Fardoole, Dubai
Recent Comments