Mowqifka dowlada America iyo Fadeexadihii Siilaanyo‏

Maalimihii lasoo dhawaafay waxaa galaa- baxayey qaybo ka mida magaalooyinka wadanka Mareykanka xubno uu hogaaminayo Dhiigyacab Siilaanyo iyo qowlaysato uu ka mid yahay Bajaaj oo ugu magacaaban wasiirka arimaha dibada ee maamul goboleedka SL.

 

Marka loo eego meelihii ay ahmiyada siiyeen ee ay booqdeen iyo dadkii ay la kulmeen, waxaa la odhan karaa ujeedada socdaalkoodu waxa uu ku taxaluqay sidatan

 

. In hantida qaranka Soomaaliyeed sida kheyraadka dabiiciga ah loo gacan geliyo shirkado aan jirin oo damacsan boob oo ay soo abaabuleen xubno kasoo jeeda beesha Siilaanyo.

. Maamulka siilaanyo oo ay soo food saartay dhaqaalo xumo ayaa ku hawlan sidii uu baaho uga uruursan lahaa shacabka Soomaaliyeed ee kasoo deegaanadaas iyo hayadaha aan dawliga ahayn.

. Maadaama Siilaanyo ku fashilmay siyaasadii gudaha ayey la gudboonaatay inuu dhaqaalihii yaraa uu ku bixiyo safaro aan loo baahnayn oo lagu jaah wareerinayo waxma garatada.

 

Hadaba ilaahay mahadi haka gaadhee mar uu Siilaanyo iyo qowlaysatadii uu horkacayey ay la kulmeen xubno ka mida wasaarada arimaha dibada ee America ayay dowlada maraykanku u cadeysay mowqufkeeda ku aadan midnimada Soomaaliya. United States waxuu mar kale mu’akiday taageerada buuxda ee uu u hayo nabadeynta iyo midnimada Soomaaliya, Fadlan halkan ka akhriso war murtiyeedkii kasoo baxay State Department ameerika:

 

http://www.state.gov/r/pa/prs/ps/2013/04/208055.htm

 

Waxaa xusid mudan in xubno ka mida hawl wadeenada Khaatumo State of Somalia ee North America ay fashileyeen been ay soo dhab dhabeen Siilaanyo iyo Bajaaj kulankan oo ka dhacay Atlantic Council. Reer Khaatumo waxay xasiloonidii ka qaadeen dhiigyacab Siilaanyo oo mar qudha isku dhexdaatay “Miskiin”, markaas ayuu miciinsadey erayo ay ka mid yihiin Keep quit iyo rubbish. Halka uu horana looga hayey UF iyo Akhascaleek.

 

Halkan ka daawo

http://www.heemaalnews.com/index.php/wararka-af-soomaaliga/item/1702-daawo-siilaanyo-oo-dhex-seexday-kulan-lagu-waydiinaayey-suaalo-iyo-isaga-oo-garan-waayey-in-xukuumadiisa-haween-wasiiro-ka-ah-xukuumadiisa-video

 

Waxaa sidoo kale in dhawydba laga deyrinayay xusuusta Mr Siilaanyo shirkan lagu qabtay Atlantic Council waxa uu ku noqday fadeexadii ugu weynayd isaga oo xusuusan kari waayay inta haween ah ee ku jirta maamulkiisa. Tani waxa ay sidoo kale cadeyn u tahay in uusan isugu magacaabin masuuliyiinta maamulkiisa.

 

http://www.galmudugnews.com/daawo-fadeexada-siilaanyo-oo-garan-waayay-wasiiradiisa/

 

Isku soo wadadoob, Siilaanyo iyo qowlaysatadii la socotay oo hadafkoodu ahaa inay shilimaad ka uruursadaan USA ayaa waxaa ka raacay fadeexad iyo waji gabax. Thanks to Khaatumo of Somalia.

www.aftaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>